Daawo Puntland oo shaacisay magacyada iyo tirada maraakiibta sharci darada uga kalluumaysta xeebaha Puntland

15 Okt  2019 (Puntlandes) Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka badda dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash oo warbaahinta kula hadlay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in ay jiraan ilaa 18 markab oo jariif ah kuwaasoo ku soo xad-gudbay xeebaha Puntland.

Wasiirka ayaa tilaamay in maraakiibtaasi oo laga leeyahay dalalka Hindiya, Pakistan iyo Iraan ay hore u joogeen xeebaha waddanka Yemen, balse ay bishii September ee sannadkan soo galeen xeebaha Puntland, kadib markii ay soo xaalufiyeen dhinaca Yemen.

Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay in dhammaan maraakiibtaasi aysan wax shati kalluumaysi ah ka haysan dowladda Puntland, isagoo caddeeyay in tallaabo adag laga qaadi doono.

Cawaash ayaa yiri “Waxaan caddaynaynaa maraakiibtaasi Puntland wax shatiya kama haystaan, wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka badda sifo sharciya bay shatiyo u siiya doomo dad muwaadiniin ah wakiilo ka yihiin ama leeyihiin”

Dhanka kale Wasiir Cawaash ayaa sheegay in dowladda Puntland ay hubiso qalabka kalluumeysi ee ay adeegsanayan doomaha iyo maraakiibta, ka hor intan shatiyada la siin, maadaama sida uu sheegay ay jiraan maraakiib wata qalab mamnuuca oo badda xaalufiya.

 

Waxa kale oo wasiirku sheegay in dowladdu ay ciidan u dirtay meelaha ay joogaan maraakiibta jariifka ah, islamarkaana la soo qa-qaban doono, si tallaabo looga qaado.

Puntlandes.com

 

About The Author