Khayre iyo Wasiirka Maaliyadda Norway oo ku kulmay Washington

19 Okt  2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Maraykanka kula kulmay wasiirka maaliyadda Norway Siv Jensen oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood iyo qorshaha Soomaaliya ee deyn-cafinta.

Khayre ayaa Wasiirka maaliyadda Norway la wadaagay abaalka dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay dowladda Norway uga hayaan taageerada joogtada ah iyo $359-ka milyan ee deynta ah ee loo qorsheeyay in lagu nadiifiyo deynta Bangiga adduunku uu ku leeyahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in tillaabada dowladda Norway ku caawisay Soomaaliya ay tahay tilaabadii ugu horreysay ee loo qaaday nadiifinta dowladda iyo barta go’aanta ee Feberaayo 2020.

Kulanka Khayre uu la qaatay Siv Jensen ayaa qayb ka ahaa shirar dooceedyo uu Washington kula yeelanayay wasiirro maaliyadeed iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa waxa uu ka qayb galay kulanka miiska wareegsan oo looga hadlay deyn cafinta dalka, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay wasiirrada maaliyadda Netherlands iyo Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka.

Puntlandes.com

About The Author