DFS oo Hub fara badan oo ay Doonyo ku siday ka dejisay Hobyo
20 Okt 2019 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug maamulka Gamudug ayaa sheegaya in ay gaareen Doonyo siday Hub fara badan, kuwaas oo laga raray magaalada Muqdisho.
Sida wararku sheegayana hubkaan ayey dowladda Federaalka ugu tala gashay inay ku hubayso Ciidan far badan oo ay ururinaysay bilahii la soo dhaafay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay ku sheegtay inay ka tirsan yihiin Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21aad.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhowr Doonyood oo hub fara badan siday laga dejiyay Xeebta Hobyo, isla markaana gawaari kuwa xamuulka ah lagu daadgureeyay.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in hubkan la geeyay Hobyo lagu howlgelinayo Ciidamada xoogga dalka, iyadoo bilihii la soo dhaafay dowladda Federaalka ay ciidamo iyo hub dhanka hawada ay ku daabuleysay waxayna hubkaas iyo boqolaal askari ka dejisay magaalada Dhuusamareeb.
Puntlandes.com