DAAWO FALKII UGU XUMAA EE UU SIYAAD BARRE DALKEENA IYO DIINTEENA U GAYSTAY
Berri waxay taariikhdu tahay 21ka oktoober taas oo ah maali madow oo soo martay Soomaaliya, waxaa xukunka dalka si xoog ah kula wareegay 21kii oktoober 1969kii Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo saraakiil uu hogaaminayey, taas oo u horseeday dalkeena burburkii qaranimada iyo dawladnimada.
Waxaan muuqaal iyo dhagaysi idiin soo gudbinaynaa waraysi lala yeeshay Gudoomiyihii Ururka Haweenka Qaranka Soomalaiyeed ee waqtigaas Drs Maryan Xaaji Cilmi oo ka waramaysa dhacdo urugo iyo uurkutaalo leh isla mar ahaantaasna waxaan idiin soo gudbinaynaa khudbadii madxaweyne Maxamed Siyaad Barre uu kaga been sheegayey AAYAD QU’AANKA KARIIMKA AH, taas oo uu jeediyey 11kii Janaayo 1975kii.
26kii janaayo 1975 wuxuu Maxamed Siyaad Barre ku toogtay 10 ka mid ahayd Culimadii Soomaaliyeed ee ku dhiiraday inay Masaajidyada ka yiraahdaan LAMA BEDELI KARO KALAAMKA ILAAHAY, Maxamed Siyaad na taas waa ku kufrinayaa hadduusan ka tooban keenin.
Maanta oo laga jooga 28 sano markii uu Siyaad Barre dalkeena burburiyey waxaa wali lala daalaa dhacayaa dib u yagleelida dawladnimadii, maadaama is aaminaadii iyo isku kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed ay meesha ka baxday kadib markii kaligiistaliyihii u adeegsaday inuu qabaa’ilka Soomaaliyeed iska horkeeno dagaalna ka dhex oogo si uu isagu xukunka u sii haysto.
Hoos ka daawo Gudoomiyihii Ururka Haweenka Qaranka ee waqtigaas Drs Maryan Xaaji Cilmi oo ka hadlaysa dhacdadii waagaas iyo khudbadii Maxamed Siyaad Barre uu maalintaas AAYAD QU’AANKA KARIIMKA AH ka been ka sheegay.
Puntlandes.com