Mareykanka oo Farmaajo u sheegnay inuu ka haro dacwadda badda

22 Okt 2019 (Puntlandes) Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya Kyle McCarter oo wareysi siiyay wargeyksa ugu afka dheer dalka Kenya ee The Daily Nation ayaa sheegay inuu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya in dacwadda badda lagu xaliyo meel ka abxsan maxkmadda caalamiga ah ee ICJ.

Kyle McCarter ayaa sheegay in Mareykanka  ay ka shaqeyneyso in wax walba lagu xaliyo miiska wada hadalka, wuxuu kaloo tilmaamay  inuu Muqdisho tagay, kalana hadlay Madaxweyne Farmaajo inuu dacwada ka soo saaro maxkamada, oo arrinta wadahadal lagu xaliyo.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya ayaa yiri “arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadhadalka u yimaadaan, aniguna waxaan tegay Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmajo uga la hadlo arrintan, waxaana ku iri isaga bax kiiska maxkamadda”

Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya ayaa caddeeyey inuu u tagay Muqdisho si uu Farmaajo uga dhaadhiciyo inii ka haro dacwadda badda ee ay dawladda Soomaaliya ka gudbisay Kenya oo sheeganaysa Badda Soomaaliya.

Safiirka ayaa ku sii daray “Madaxweyne Kenyatta wuxuu sameynayaa wax walba oo karaankiisa ah waana ku sii wadi doonnaa dadaallada aan ku xallineyno arrinta”

Dowladda Soomaaliya ma sheegin socdaalka uu Kyle McCarter ku yimid Muqdisho, kaas oo u muuqda inuu qarsoodi ahaa, balse hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo todobaadkii la soo dhaafay ay Maxkamadd ICJ dib u dhigtay wajiga labaad ee dhageysiga muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya, taasoo shaki badan dhalisay sababta mar labaad dacwadaas dib loogu dhigay.

Puntlandes.com

 

About The Author