RW Itoobiya oo Workneh Gebeyehu u magacaabay xilka Xoghayaha guud ee IGAD
23 Okt 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa u magacaabay Xoghayaha Guud ee IGAD Workneh Gebeyehu, tanoo ka dhigan in xilka Guddoomiyenimada IGAD uu ku wareegayo dalk Kenya.
Kursiga Xoghayaha Guud ee IGAD ayaa waxaa dooneysay inay qabato dowlada Soomaaliya iyadoo hore uu u hayay muwaadin Kenyan ah.
Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Gebeyehu uu muddo afar sano ah hayn doono xilka loo magacaabay ee xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD.
Horaantii Bishan ayaa magaalada Addis Ababa waxaa ka dhacay shirweyne ay isugu yimaadeen madaxda xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, kaas oo sida qoraalka ka muuqata lagu ansixiyey.
Workneh Gebeyehu ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka Ethiopia isagoo noqday Wasiirka Gaadiidka sanadkii 2012, wuxuuna xubin ka ahaa xisbiga Oromada iyo weliba xisbiga EPRDF.
Puntlandes.com