Waa kuma Wasiirka Puntland ee isku maamula labo wasaaradood?
Wasiirka Maaliyadda dawladda Puntland Xasan Shir Abgaal ayaa wuxuu ka soo noqday Wasaaradda Caafimaadk Puntland madax shaqaalaha, isagoo ka mid ahaa agaasiha guud iyo agaasime waaxeedyo shuraako ku noqday musukha hantida shacabka reer Puntland.
Xasan oo ka mid ah xubnaha sare ee kooxda Aaran jaan ayaa wuxuu si gooni ah u maamulayey Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Cabdirsaaq Xirsi oo madaxweyne Faroole markuu xilka madaxweynaha Puntland hayey u wada magacaabay wasaaradda isaga iyo Xasan.
Gaas ayaa markuu xilka madaxweynaha Puntland hayey wuxuu ka qaaday Xasan xilkii uu ka hayey wasaaradda Caafimaadka isagoo u magacaabay Agaasimaha wasaardda Xanaanada Xoolaha, Xasan markaasna ma dhumin maamulida Agaasime Cabdirisaaq iyo wasaaradda aadka muhiimka ugu ah ee caafimaadka.
Janaayo sanadkaan 2019ka ayaa waxaa xilka madaxweynaha dawladda Puntland ku guulaystay Siciid cabdulaahi Deni oo gacan taageero ka helay kooxda Aaran Jaan, wuxuuna Xasan Shire Abgaal noqday nin isku balaariya wasaarada Caafimaadka oo uu uga bartay inuu ka sameeyo dhaqaale aad u faro badan.
Xasan oo lacag u uruursanaya iskuna diyaarinaya doorashada 2024ka ayaa waxa uu wasaaradda Caafimaadka keensaday wasiir magac u yaal ah Jaamac Faarax Xasan.
Si Xasan wasaaradda Caafimaadka u maamulo ayaa waxaa awoodii ama mas’uuliyadii wasaarada waxaa gacanta loo geliyey Agaasime Cabdirisaaq, mana jirto hal warqad oo uusan saxiixin Cabdirisaaq oo ka shaqaysa Puntland, dhamaan deeqaha uu caalamku ugu deeqo shacabka Puntland na waxaa maamula oo musqmaasuqa isaga.
Wasiirka iminka ee wasaaraduna waxaa meesha loo gaystay magac u yaal ahaan ee wasaarada waxaa si rasmi ah u maamula wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire, isagoo noqonaya wasiirkii Puntland ugu horeeyey ee isku maamula labo wasaaradood, waxaana isagoo maaliyadda jooga lacag laga siiyaa Caafimaadka.
Agaasime Cabdirisaaq wuxuu ka sameeyey wasaaradda caafimaadka hanti faro badan oo ka kooban Guryo badan oo uu Garowe ka dhistay Cisbitaal ay wada leeyihiin isaga iyo wasiirkii hore ee caafimaadka Cabdinaasir Cuuke.
Cisbitaalka Garowe ma bixin karo adeegii ay bukaanku u baahnaayeen oo waa meel eber ah, halka Cisbitaalka uu Cabdirisaaq goonida uga samaystay hantida ummadda ay u dhamaystiran yihiin dhamaan adeegyadii Cisbitaal u baahnaa, bukaankana laga qaado lacag aad u badan oo aysan awoodin.
Madaxweyne Deni waxay ahayd inuu u naxo dalka iyo dadka kana horwareejiyo agaasime Cabdirisaaq oo aabihii musuqa ah, waxay kaloo ahayd inuusan aqbalin in wasiir Xasan labo wasaaradood maamulo.
Waxaa su’aal ah Deni ma qaadan doonaa danta shacabka reer Puntland oo ma diidi doona danta shaqsiyaadka aan u naxayn shacabka loona dooran sidiisa inay dalka hogaamiyaan.
Deni waxay u noqon lahayd sumcad haddii danta shacabka taageero!!!!
La soco Toosha wareega, oo qormada dambe dul saaran Agaasime Juba iyo wasaaradda Arimaha Gudaha.
Puntlandes.com