Kalfadhigii 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo furmay
26 Okt 2019 (Puntlandes) Caasimadda Puntland ee Garowe aya waxaa goor dhawayd ka fumray Kal-fadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland.
Xafladda furitaanka kal-fadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni, gudoonka Baarlamaanka, xildhibaano, wasiiro, issimo, culumo, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale.
Kal-fadhigan waxaa horyaalla dhowr ajande oo ay ka mid yihiin ansaxinta Guddiga doorashooyinka Puntland.
Puntlandes.com