Daawo Video: Senator Faroole “dhulka nabad ha loo daayo dadka wax sheeganaya, (Aaran Jaan), dadka ha laga qabto, hadaan dawladdu qaban anaa iska qabanayna”
26 Okt 2019 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Puntland isla markaasna ah Senator ka tirsan Aqalka sare ee BJF Soomaalia Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo maanta ka hadlay munaasbadda furitaanka kalfadhiga 45-aad ee goloha Wakiilada Puntland ayaa ku eedeeyey xukuumadda Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Siciid Cabdulaahi Deni inay mulkiyadeeda leedahay kooxda Aaran Jaan ayna u baahan tahay in la iska qabto.
Senator Faroole ayaa yiri ” dawladda dad baa magaceeda sheegta, waa dawladda Puntland, oo ku dulaaltama, oo dad ugu hanjaba, oo Suuqa gashaday inay iyagu dawladdaas dhiseen,wasiiraday sheeganayaa, Xildhibaanaday qaar sheeganayaan inay keeneen, aniga xataa maalmahan waa isoo galeen, anigu waaba aamusnaaba, marka madaxweynaha waan ka arkayaa, dadka caykaas ah, Taayaradii halkaan lagu gubayey haddii aan waraytay dad ka caysnaa bay u badnaayeen, uma badnayn dadkii dhibaatadu gaartay oo xaqa u lahaa iny mudaharaad sameeyaan…. dhulka nabad ha loo daayo dadka wax sheeganaya dadka ha laga qabto, hadaan dawladdu qaban anaa iska qabanayna, Geedkii Timirka ahaa ayaan u fariisanayaa walaahai hal maalin ayaa magaalada laga saarayaa….”
Daawo Faroole
Puntlandes.com