Daawo Video: Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo digniin adag u diray Madaxweyne Deni.

26 Okt 2019 (Puntlandes) Xildhibaan Cawil Xassan Daad oo ahaa xildhibaankii su’aasha uu ka carooday waydiiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo xildhibaano kale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in  Madaxweynuhu u hanjabay xildhibaanada uuna hooka uga baxay si caro leh iyadoo uusan gudoonka Baarlamaanku fasaxin.

Xildhibaan Cawil ayaa yiri”waad u jeedeen si caro leh ayuu hoolkii uga baxay iyadoo aan la fasaxi, waxaa dastuurku qabaa in marka madaxweynuhu khudbadii´sa dhamaysto, su’aalaha la waydiinaya uu dhameeyoin gudoonka Baarlamaanku uu markaas madaxweynaha fasax, isagoo Xildhibaanada ka codsanaya in madaxweynaha la fasaxo, ma yeelin wuxuu rabay markuu ku hadlay ayuu iska baxay…”

 


Puntlandes.com

About The Author