Sawirro: Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee JWXO oo si diiran loogu soo dhaweeyay Degmooyinka Bookh iyo Galxamur

27 Okt 2019 (Puntlandes) Waftigan ballaaran oo uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee JWXO, (Ururka ONLF), Mudane Cabdiraxaan Sh Mahdi (Maadey) ayaa si diiran loogusoo dhaweeyay degmooyinka Bookh iyo Galxamur iyo deegaanada hoos yimaada oo ay ka mid yihiin Dameero-joog iyo Dudun ee gobolka Doollo.

Wafdiga oo ku guda jiray socdaal ay ku kala bixinayaan Dhulka Dawlad Deegaanka Soomaalida, kaas oo loogu magac daray GUULWADE, ayaa waxay wakhti la qaateen shacab ku nool degmooyinkaas iyagoo ay shacabku u muujiyeen taageero ay u hayaan JWXO iyo madaxdooda.

Guud ahaan shacabka gobolka Doollo ayaa si diiran usoo JWXO iyo madaxdooda, waxayna u sheegeen wafdiga  Xoghayaha Guud Maadeey inay taageero xoogan u hayaan ayna garab taagan yihiin.


Puntlandes.com

About The Author