Xildhibaanada Jubaland oo ansixiyey Ku xigeenada Axmed Madoobe

27 Okt 2019 (Puntlandes) Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta meel mariyey labada Madaxweyne ku xigeen ee maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen gudaha magaallo xeebeedka Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Golaha wakiilada Jubbaland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey, Madaxweyne ku-xigeenka koowaad, Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne ku-xigeenka labaad, Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) oo markale xilalkaasi loo magacaabay.

Guddoonka baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ansax yihiin Madaxweyne ku xigeenada, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya ay gudan karaan shaqooyinkooda.

Puntlandes.com

About The Author