Wariyeyaal lagu xiray Muqdisho, xilli ay soo tabinayeen banaan bax saaka dhacay
27 Okt 2019 (Puntlandes) Illaa shan wariye oo ka howlgala qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa saaka lagu xiray agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ka socday bannaan bax looga soo horjeedo xirnaanshaha waddooyinka.
Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa xiray Wariyeyaashan, iyagoo kala wareegay qalabkii ay wax ku duubayeen.
Wariyeyaasha ayaa soo tabinayay bannaan bax ay dhigeen qaar ka mid ah darawalada gaadiidka, iyagoo ka cabanayay waddooyinka xiran iyo lacago canshuuro ah oo lagu kordhiyay.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay cabashada ay qabaan dadka Muqdisho, gaar ahaan xirnaanshaha waddooyinka Muqdisho, waxaana magaalada ay noqotay in meelaha qaar laamiga dhexdiisa ganjeelo lagu xiro, sidoo kale gawaarida ka imaanaya xaafadaha waqooyiga ka ah Wadada wadnaha aanay u soo gudbin daanta kale ee magaalada.
Gaadiidka ka shaqeeya dhanka degmooyinka saaran wadada Maka Al-Mukarama ayaa rakaabka ku dejinaya agagaarka Wadada wadnaha, halkaasoo dadka ay ka lugeynayaan oo daanta kale ee wadada ka raacayaan gaadiidka kale ee aadaya Wadada Sodonka illaa Warshadaha.
Gaadiidkii maalin kasta labada dhinac magaalada isaga kala gooshi jiray ayaa ku soo koobmay hal dhinac jidadka xiran awgiis, waxaana darawalada ay tilmaameen in maalintii ay u shaqeeyaan shidaal oo kaliya, balse aanay wax faa’ido kale heysan, tiiyo ay u sii dheer tahay canshuurta.