Sawirro: Waftigii JWXO oo Dudun kula kulmay shacabka deegaanka

27 Okt 2019 (Puntlandes) Waftigii JWXO uu hogaaminayay Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maadeey) ayaa si aad heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Dudun oo ka tirsan Dagmada Galxamur ee Gobolka Doollo.

Munaasanad ballaaran oo lagu soo dhawaynayey wafdiga Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Maadeey oo ka dhacday magaalada Dudun ayaa waxaa kasoo qayb galay Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise, Ugaas Cabdiqaadir Cilmi, nabadoono, waxgarad, Aqoonyahano, haween, dhalinyarada iyo dadwayne aad u tiro badan oo kulabisan calanka iyo calaamadaha JWXO.

Soo dhawayn kadib waxaa munaasanadda ka hadlay Xoghayaha Guud ee JWXO Dr Maadey ayaa u mahad celiyay Isimada, cuqaasha iyo dadwaynaha reer Dudun oo ay ka muuqatay xushmada ay u hayaan waftiga JWXO ee ku jiray socdaalka Guulwade oo ah mid lagu midaynayo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan DDS.

Guud ahaan kullan Xoghayaha Guud ee JWXO iyo bulshada deegaanka ayaa ku soo dhamaaday is fahan, iyadoo laga heshiiyey dhamaan waxyaalihii laga wada hadlay waxayna maanta ka ambaxeen waffdiga Muudeey magaalada Dudun.

Magaalado Dudun  ayaa ku taal xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya waxayna wax ka yar 20km u jirtaa Degmada Bursaalax ee gobolka Mudug.

Halkan hoose ka akhriso wafdiga oo booqanaya degmooyinka Bookh iyo Galxamur iyo deegaanada hoostaga ee gobolka Doollo:

Sawirro: Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee JWXO oo si diiran loogu soo dhaweeyay Degmooyinka Bookh iyo Galxamur

Doowo sarirro


Puntlandes.com

About The Author