Garsoorka Puntland wuu ka madaxbanaan yahay Madaxtooyadda, Deni wuxuu ku kacay dastuur jebin!!
01 Nov 2019 (Puntlandes) Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Puntland ayaa waxaa ka soo baxday qoraal dacwad ah oo ka dhan ah Xildhibaan Cawil Xasan Daad kuna taarikhaysnaa 30kii okt 2019ka, kaas oo ay gudbisay Gudoonka Baarlamaanka Puntland si looga qaado xasaanadda xildhibaanimada, halkan ka akhriso.
Qoraalka ayaa waxaa ku saxiixnaa kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Puntland Maxamed Xareed, wuxuuna u cuskaday Qodobka 64aad ee dastuurka Puntland, farqadiisa 6aad iyo Qodobada 215.219, 220 iyo 269 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (Kacaankii dalka Af-famiyey).
Farqada 6aad ee Qodobka 64aad ee dastuurka Puntland waxay ka hadlaysaa sidatan ” Ka doodista, kormeeridda, dhaliilidda iyo talo-ku-biirinta siyaasadda iyo barnaamijka wax- qabadka xukuumadda.”
CAFISKA MADAXWEYNE DENI EE XIL CAWIL DAAD
Maanta oo ay taariikhdu tahay 1da Nov 2019ka ayaa waxaa war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyadda Puntland lagu sheegay in Madaxwayne Deni uu ogolaaday in Xeer ilaalinta Puntland la noqoto Xasaanad ka qaadkii iyo dacwad ay ku soo oogtay Xildhibaan Cawil Xasan Daad ka dib markii Xildhibaano ay tiradooda ay ku sheegtay inay gaaraysayaan 20 ay Madaxwaynaha ka raali galinayeen su’aashii uu waydiiyey Xildhibaanku madaxwaynuhuna ka aqbalay codsigaas, halkan ka akhriso..
Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay Xildhibaanadu u cadeeyeen Madaxweynaha in hab dhaqankii ka dhacay furitaankii Kalfadhiga 45aad uu ahaa waxaan u qalmin dowladnimada Puntland oo 21 sano jirsatey.
Tani waxay caddayn u tahay in Madaxwayne Deni uu amray Xeer Ilaaliyaha Puntland inay Xildhibaan Cawil Xasan Daad ku soo oogaan dacwad si looga xayuubiyo Xildhibaanimada.
MADAXBANAANIDA GARSOONKA PUNTLAND
Qodobka 57aad ee dastuurka Puntland oo ka hadlaya qaybaha dawladda ayaa wuxuu sheegayaa in dawladdu u qaybsanto sadex qaybood wuxuuna u qoran yahay sidan:
Dawladdu waxay u qaybsantaa saddex qaybood oo kala ah:
- Qaybta Sharci-dajinta (Golaha Wakiillada).
- Qaybta Fulinta (Golaha Xukumadda).
- Qaybta Garsoorka (Maxkamadaha)
Qodobka 58aad ayaa sii sheegaya in sadexda qaybood ee dawladdu u qaybsanto ay kala madaxbanaan yihiin, wuxuuna u qoran yahay sidan:
Kala soocnaanta qaybaha dawladda:
- Qayb kasta waxay u madaxbannaan tahay gudashada waajibaadyada, xilalka iyo awoodaha dastuurku u jideeyey, qaybina qaybta kale ma hoos timaado, marka laga reebo arrimo gaar ah oo uu Dastuurku si cad u qeexayo.
- Fulinta waajibaadka iyo xilalka qaybi leedahay qayb kale waa ay ka reebban tahay.
- Qofna xubin kama noqon karo isku mar, wax ka badan hal qayb oo dawladda ka mid ah.
MADAXWEYNE DENI WUXUU KU KACAY DASTUUR JABIN
Madaxwayne Deni wuxuu ku kacay maanta dastuur jebin isagoo jabiyey qodobada 57aad iyo 58aad ee dastuurka Puntland wuxuuna ku xadgudbay kala madaxbanaanida sadexda qaybood ee ay dawladdu ka kooban tahay.
Madaxwayne Deni Madaxtooyadda ma hoos keenin Garsoonkii Puntland oo kaliya e maanta wuxuu ka dhigay wax aan jirin oo hoos yimaada Madaxtooyadda Baarlaamnkii metelayey oo wakiilka ka ahaa shacabka reer Puntlnd, iyagoon ku dhici doonin Xildhibaanadu inay su’aalo waydiiyaan madaxweynaha sida ku cad dastuurka Puntland Qodobka 64aad farqadiisa 17aad ee u banaynaysa inay su’aalo waydiin karaan madaxweynaha.
Haddii uu Madaxwayne Deni labadii qaybood ee dawladda ee dastuurku ka madaxbaaneeyey Madaxtooyada uu hoos keenay xafiiskiisa yaa la xisaabtamaya Madaxweynaha?
Puntlandes.com