Xeer Ilaalinta Puntland oo fulinaysa amarkii madaxweyne Deni ayaa la noqotay dacwadii Xildhibaan Cawil
02 Nov 2019 (Puntlandes) Xeer Ilaalinta Puntland oo fulinaysa amarkii madaxweynaha Puntland Siciid Cabulaahi Deni uu ku amray in la cafiyo ayaa soo saartay qoraal kale oo ay u dirtay guddoonka baarlamaanka Puntland, taas oo ay kaga laabanayso dacwadii ay ku soogtay xildhibaan Cawil Xasan Daad oo 26-kii bishii hore su`aal weydiiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, taas oo ka careysiisay.
Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay in ay ka laabatay dacwadeeda, ka dib markii ay aragtay oo tixgalisay cafiskii Madaxweynaha Puntland ku cafiyey.