Barlamanka Puntland oo dood ka yeeshay hab dhaqanka Xaafiiska Xeer Ilaaliyuhu jabiyey Dastuurka dalka, sharcina la geynayo.
02 Nov 2019 (Puntlandes) Baarlamaanka Puntland oo dood ka yeeshay hab dhaqanka Xeer ilaalinta Puntland oo gacanta u gashay Madaxtooyadda Puntland ayaa maanta looga dooday warqadii kasoo baxay Xaafiiska Xeer Ilaaliyaha dawladda Puntland, kaas oo uu kaga hadlayo in xasaanada laga qaado Mudane baarlamaan oo su`aal weydiiyey Madaxweynaha Puntland sabtidii lasoo dhaafay.
Guddiga Sharciyada & Cadaalada ee baarlamaanka Puntland oo ka hadlay Baarlamaanka ayaa sheegay in warqadii kasoo baxay Xeer Ilaalinta ay ahayd mid xadgudub ku ah dastuurka, sharuucda iyo qeynuunka dalka, ayna waajib tahay in jawaab adag laga bixiyo oo laga xisaabtamo.
“Xafiiska xeer ilaalintu wuxuu ku xadgudbey shuruucda dalka,” ayuu yiri Gudiga cadaalada iyo shuruucda baarlamaanka Puntland.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiim Dhooba-Daareed ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warka sheegaya in ay Xildhibaano iyo Madaxweyne aysan ka wada hadlin, taasna ay tahay dhabarjab kale.