Baarlamaanka Puntland oo laalay dacwadii Xeer Ilaalinta Puntland ka gudbisay Xildhibaan Daad

02 Nov 2019 (Puntlandes) Mudanayaasha Baarlamanaka Puntland oo dood adag ka yeeshay warqadii laga soo saaray Xildhibaan Cawil Daad ee lagu codsanayay in laga qaado Xasaanada, ayaa sharci darro ku tilmaamay, waxayna ganafka ku dhufteen isku daygii madaxweyne Deni uu xalay uga laabatay.

Guddiga Sharciga & Cadaalada ee Baarlamaanka Puntland ayaa gabi ahnaaba sheegay in uu xadgudub weyn ku dhacay Xaafiiska Xeer Ilaalinta Puntland oo ay tahay in sharciga la mariyo, lana horkeeno golaha si looga weydiiyo waxyaabaha uu sameeyey.

39 Xildhibaan oo kamid ah 41 xildhibaan oo golaha fadhiday ayaa diiday warkii Xeer Ilaalinta, waxaana lagu sheegay sharci darro ay tahay in cid dambigeeda la saaro.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland CabdiXakiim Dhooba-Daareed oo ka hadlayay kalfadhiga ayaa sheegay in aysan jirin heshiis Xukuumadda iyo baarlamaanka dhexmaray oo la xariiray arrinta Xildhibaan Cawil Daad, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la dhawro dastuurka dalka iyo daganaanshahaba.

Puntlandes.com

About The Author