Ciidamada DFS oo degmada Matabaan kala wareegay Ahlu Sunna kadib dagaal halkaas ka dhacay

02 Nov 2019 (Puntlandes) Dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Ahlusunna iyo dowladda federaalka ayaa  ka dhacay magaalada Matabaan oo ah degmo ka tirsan gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ciidamada dowladdu kula wareegeen gacan ku heynta degmada Matabaan oo muddo sanado ah ay maamulayeen Ururka Ahlusunna  oo fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaal kooban uu ka dhacay Magaalada, islamarkaana Ciidanka Ahlusunna ay ka baxeen.

Ciidanka Ahlusunna ayaa hadda ku sugan duleedka degmada Matabaan, waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in Ahlusunna ay waddo Aruursi Ciidan.

Dhinaca kale, duleedka magaalada Matabaan ayaa koox hubaysan waxa ay weerar jid gal ah ugu gaysatay wafdi uu la socday wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye.

Waxaa la sheegay in weerarkaas ay iska caabiyeen ilaalada wasiir Sebriye, kadib is rasaasayn socotay muddo kooban oo dhex martay waxaana loo maleynayaa in dableyda geysatay weerarkaas jid galka ah ay taabacsanyihiin Ahli-Sunna oo si buuxda u maamulaysay magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan.

Wafdiga wasiir Sebriye ayaa gaaray magaalada Matabaan oo sida la sheegay gacanta u gashay ciidamada xoogga dalka qeybtooda 21aad, kuwaas oo hada si buuxda u maamulaya gacan ku haynta Matabaan.

Puntlandes.com

About The Author