04 Nov 2019 (Puntlandes) Guddiga dhaqaalaha iyo xisaabaadka golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa mudanayaasha Baarlamaanka warbixin ka siiyay heerka dakhliga iyo kharashaadka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee lixdii bilood ee la soo dhaafay.
Guddoomiyaha guddigaasi Xil. Cawil Xassan Daad oo warbixinta akhriyay, ayaa sheegay in saadaasha dhaqaalaha Puntland ay ka muuqato degga’naansho, taasi oo ka dhigan in lixdii bilood ee la soo dhaafay aysan Puntland ka jirin hoos u dhac iyo koror dhaqaale midna.