Sawirro: Duqa Muqdisho oo kormeeray xaafadaha ay sameeyeen roobabkii ka da’ay magaalada
26 Nov 2019 (Puntlandes) Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kormeeray xaafadaha ay saameeyeen roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.
Gudoomiye Cumar waxa uu faray laamaha Dowladda Hoose iyo waaxyaaha gurmadka degdegga ah in ay u istaagaan xal u helidda dhibaatooyinka bini’aadannimo ee ay sababeen roobabka ka da’ay maagalada.
Guddoomiyaha iyo xubno kale oo la socday ayaa kormeeray degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamarweyne, Wadajir, xamar Jajab iyo isgooska nambar afar,isagoo si gaar ah uga qeybgalay samata bixinta qoys uu ku soo dumay gurigoodo.
Guddoomiye Cumar Filish oo dhageystay xaaladdooda nololeed ee bulshada degmooyinka uu kormeeray ayaa ka dhawaajiyay sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolku in ay ka shaqeeyaan yareynta xaaladda bini’aadanimo ee soo food-saartay dadka danyrata ah.
Dhanka kale, Guddoomiyaha ayaa amray in la dardar geliyo howlaha faya-dhowrka Caasimadda, degdegna ay howlwadeennada Dowladda Hoose uga shaqeeyeen sidii loo furi lahaa marinnada halbowlaha u ah isu socdka bulshada.