Akhri Xog: Masaanuu noqday ”Isbedelkii uu madaxweyne Gaas balanqaaday”

Haddii dawlad, Shirkad, koox dad ah ama qof uu heshiis galo waa in uu fuliyaa haddii kale ka sakow heshiiskii uu jabiyey oo wixii Xeer u ah uu qabanayo, heshiis laga baxaa waa qawl la’aan, cid dambe oo aaminaysaane ma jirto.

Wuxuu Puntland madaxweyne Gaas la lawareegay Puntland 8 jan 2014 iyadoo saamayn wayn ku leh Soomaaliya, Beesha caalamka ee Soomaaliya caawiyaana ay aad u xiisayn jireen talada iyo waayo aragnimada Puntland, Heshiisyana la gashay Shirkado caalami ah oo geliyey Puntland boqolaal milyan oo doolar. Shirkadahaas oo ahaa kuwo keenay Riig labo ceel oo shidaal laga raadinayeyna ka qoday Dooxada Dharoor ee Gobolka Bari.

Shirkadahaas oo Caalamka tusay in Puntland aan dhib ka jirin ayna tahay meel lagu aamini karo in la maalgashto. Iyadoo ay ku noqotay filan waa caalamka in intaas oo maal ah lagu aamini karo Puntland.

 

Isbedelkii ka dhacay Puntland ee Gaas hogaaminyey

 Puntland 8 jan 2014 kadib wuxuu Gaas ka dhigay ”Tuulo” laga xukumo Villa Xamar, wuxuu ka dhigay meel ninkii aan hawaysan jirinba uu maanta hawaysto in uu boobo sida Gobolka Mudug oo Cabdiqaybdiid iyo Villa Xamar ay muran geliyeen, Gobolka Sool oo Somaliland marba qayb ku darsato intii ay horay u haysatay.

Shirkadihii shidaalka ka baarayey Puntland waxaa saamiga ugu badan lahaa maamulaysana shirkada lagu magacaabo Horn Petroleum waxaana saami ku lahaa shirkadaha Range Resources iyo Red Emperor. Horay waxay Puntlandes u baahisay warkay ka soo saartay Red Emperor iminkana waxaan idiin soo gudbinaynaa warkii ay maanta soo saartay Horn Petroleum.

Waxayna u qornayd sidatan ”Shirkadu waxay joojisay dhamaan hawlihii ay ka waday Puntland inta laga helayo xal ku saabsan shaciimada iyo lahaansha Puntland”

The Company has informed the Government of Puntland (Somalia) that the Company will be significantly reducing its presence in Bosaso, Puntland and will refrain from any operational activity and associated expenditures pending a resolution of the political situation between the Regional Government of Puntland and the Federal Government of Somalia regarding the legitimacy of oil concession contracts.

 Halkaan ka akhri warkii ay maant soo saartay Horn Petroleum
Waxaa kaloo war ay soo saartay Range Resources iyadoo ay shirkadu carabaabtay sharcinimada xukuumada iminka talada haysaa. Waxaa wax lagu wareeray ah dawlad bay heshiis la galeen waxayna isku bedeshayw wax aan jirin ama maamul laga xukumo Villa Xamar oo aan wax sharciyad ah haysan.

The Joint Venture (the “JV”) made a decision to close down its office in Somalia, in order to reduce the JV’s cost exposure until there is clarity and contractual certainty around the Production Sharing Agreements (“PSAs”) and the legal regime that currently exists in Puntland.

 Halkaan ka akhri warkii ay maant soo saartay Range Resources

Su’aasha in la iswaydiiyo mudan waa ma saanaa daacad ka ah madaxweyne Gaas mise wax uusan la qaybsan shacabka uu madaxweynaha u yahay ayaa jira. Waxaa quman madaxweynuhu in uu shacabka reer Puntland u shaexo sida ay wax u socdaan iyo waxa sababay in DFS ay shirkadahan ku qasabto in ay joojiyaan shaqadii ay ka hayeen Puntland.

Puntlandes.com

 

About The Author