Daawo Wasiir Dhabancad oo wada qorshe kale oo uu ku burburinayo degmonimada Bursaalax

15 Dec 2019 (Puntlandes) Wasiirka Arimaha gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad oo tan iyo markii madaxweynaha dawladda Puntland mudane Siciid Cabdulaahi Deni u magacaabay wasiirka Arimaha gudaha waday dagaal gooni ah oo uu ku waday degmada Bursaalax iyo beesha degta, ayaa imnka ku gudo jira qorshe aad halis u ah oo uu ku burburiyo degmonimada Bursaalax .

Dhabancad oo xalay ka hadlay munaasabad lagu daah-furayey Qorshe hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC)  ayaa sheegay inuu shaqaaleeyey garyaqaan, kaas oo soo saari doona daraasad ku salaysan arimaha xuduudaha degmooyinka dawladda Puntland magacawday.

Dhabancad ayaa yiri ”daraasadaas waxaan rabnaa inay gundhig u noqoto sidii loo samayn lahaa soohdimaha ama xuduudaha degmooyinka Puntland, waxaana sugaynaa daraasadaas tolobixinta ah bisha Janaayo ee nagu soo aadan, taas oo aynu horgayn doono golaha wasiiradda iyo golaha Wakiiladda dawladda Puntland, guddiga laftigiisana aanu la wadaagi doono”

Dhabancad ayaa ilo xog ogaal ahi sheegayaan inuu doonayo in garyaqaanku uu talobintiisa ama daraasadiisa kusoo daro in Bursaalax oo ah degmo ka tirsan gobolka Mudug aysan noqon karin degmo, kadibna loo gudbiyo golaha wasiiradda iyo golaha Wakiilada si ay u ansixiyaan sidaas loogala laabto Bursaalax degmonimada.

Dhabancad ayaan qarsan oo meel walba ka sheega inaysan buuxin karin Bursaalax degmonimo, maadama ay Galdogob u jirto wax ka yar 70km oo uu jeebka kala soo baxay isagu(Degmada Madiina oo gobolka Banaadir ah iyo degmada Afgooye waxay isku jiraan wax ka yar 20km sidaa kale Balacad iyo kaaraan, ama Afgooye iyo Marka….).

Sidoo kale Dhabancad ayaa dood ”raqiis ah” ku dooda inay tahay danta Beesha Cumar Maxamuud inaysan Bursaalax noqon degmo ayna beesha u fiican tahay in aan laga go’in, waa sida uu hadalka u dhigee, degmada Galdogob.

Lama yaqaan meesha uu Dhabancad ka raacay nacaybka uu u qabo beesha degmada Bursaalax iyo sababta uu dagaalka joogtada ah oo aadka u foosha xun ugala jiro, laakiin tan iyo markuu xilka qabtay uma uusan nasan dagaalka beeshaas.

Kal hore ayey ahayd wasiir Dhabacad inuu usoo wakiisho kuxigewenkiisa inuu si cad Dastuur jabin u sameeyo una sheego inay Bursaalax hoos tagto degmadda Galdogob ayna sidaas tahay sida ay ku shaqaynayso xuluumadiisu, hoos ka daawo.


Waxaa si isku mid ah u diiday qorshaas uu watay Dhabancad shacabka labada degmo ee Bursaalax iyo Galdogob, iyagoo si cad ugu sheegay in uusan ka qaadi karin degmonimada degmo uu Baarlamaanku ansixiyey.

Dhabancad ayaa markii qorshihii koowaad u shaqayn waayey waxa uu bilaabay mid kale oo aad u jaban kaas oo uu ku sheegay inuu 24ka november degmada Bursaalax u dhisayo gole deegaan oo hoose isagoo isku dhisaya labada degmo taas oo ay mar kale ka diideen shacabka degmada Bursaalax.

Dhabancad ayaa iminka gacmaha kula jira qorshihii sadexaad oo  uu ku doonayo inuu ku burburiyo degmonimada Bursaalax, taas oo ah wax uu liqi kari waayey inay Bursaalax ka mid ahaato degmooyinka Puntland.

Shacabka degmada Bursaalax oo ah shacab jecel dawladnimada iyo horumarka deegaankooda kuna caan baxay inay ku dhistaan deegaankooda si isku tashi ah ayey dawladda Deni waxay abaal uga dhigtay burburin iyadoo ka adeejisay Dhabancad oo cadaawe aan la aqoon u haya, halkan ka daawo Bursaalax oo Laami la saaray wadada dhex marta bartamaha, halkan ka daawo sawirada horumarka sida isku tashiga ah ay ku gaartay Degmada Bursaaalax

Ugu dambayntii shacabka degmada waxaa laga doonayaa inay isku duubnaadaan sidii caadada u ahayd dhacwo ka dhan ah wasiir Dhabancad na u gudbiyaan madaxda sare ee Puntland iyo maxkamadda sare ee Puntland, maadaama uu wasiir Dhabancad gacmaha kula jiro dastuur jabin iyo kicin shacab.

Wasiir Dhabancad oo Garyaqaan u shaqaaleeyey si uu degmonimada Bursaalax u burburiyo

Puntlandes.com

About The Author