Daawo Video: Xil Maas oo taliaya CXDS waydiiyey sababta Istafkii looga reebay kadibna loo xiray taliye Jeeniqaar

16 Dec 2019 (Puntlandes) Gaashaanle Jeeniqaar Sheekh Omar oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka kumandooska Qaranka Soomaaliya, DANAB, sanadkaan 2019ka bilowgiisii ayaa waxa dhawaan laga qaaday xilkii kadibna waxaa laga dhigay dhamaan waaardiyaashii iyo hubkii/qalabkii lagu waardiyeynayey.

Taliye Jeeniqaar ayaa intii uu ahaa taliyaha Ciidanka Danab waxa uu dagaal culus oo uu uga xoreeyey deegaamo badan ku qaaday Alshabaab.

Meeshii uu ka heli lahaa dalacsiin waxaa lagu sameeyey xil kaqaadis iyo in laga dhigay waardiyayaashii si amnigiisu uu u galo khatar.

Jeeniqaar ayaa todobaadkii hore waxaa lagu xiray Xabsi, iyadoo ay saraakiisha dawladda Federaalku ku soo eedeeyeen inuu musuqmaasuqay Rasaastii ay ciidankiisu kuka dagaal galeen Alshabaab.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise Maas ayaa maanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliy (CXDS) S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage waxa uu waydiiyey su’aal la xiriirta xariga aan sharciga waafaqsanayn iyo sidii amniga Jeeniqaar khatarta loo geliyey, laakiin taliyaha ayaa si jees jees ah uga ku dul maray isagoon toos uga  jawaabin su’aashii xildhibaanka.

Sidoo kale Taliyihii hore Ciidanka Danab Col Axmed C/laahi Sheekh taliaya ayaa laga dhigay ciidankii sugayey amnigiisa sida taliye Jeeniqaar, isagoo dalka si hal haleel ah uga baxay.

Daawo Xil Maas oo taliaya CXDS waydiiyey sababta Istafkii looga reebay kadibna loo xiray taliye Jeeniqaar

Daawo Taliaya CXDS suaashii Xil Maas waydiiyey ee taliye Jeeniqaar uga jawaabay si jeesjees ah

Puntlandes.com

About The Author