Sawirro: Madaxweyne Axmed Madoobe oo daah-furay shir ay qeyb ka tahay dowladda Soomaaliya (muuqaal)

21 Dec 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismayo ka daah-furay shirka wasiirka maaliyadda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shalay gaaray magaaladaasi iyo wasiirada maaliyadda ee dowlad goboleedyada dalka.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah sidii loo hagaajin lahaa nidaamka maaliyadda, taasi oo qeyb ka ah shuruudaha deyn-cafinta Soomaaliya.

Ugu horreyn khudbad uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka jeediyey shirkaan ayaa waxaa kaga hadlay arrimo la xariira maaliyadda dalka iyo muhiimada deyn cafinta.

Shirkaan ayaa noqonaya mid kii horreeyey oo noociisa lagu qabto Kismayo tan markii dib loo doortay Madaxweynaha Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe wax xiriir ah la lahayn Jubbaland iyadoo diiday inay aqoonsato doorashii ka Kismayo ka dhacday ee Axmed Madoobe lagu doortay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa rajeyneysa in bisha Febraayo ee 2020-ka laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, waxaana si taas ay u dhacdo qasab ah inay arrimaha maaliyadda ka wada-shaqeeyaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.



Puntlandes.com

About The Author