WASIIR DHABANCAD IYO XILDHIBAAN INDHOCEEL OO DUULAAN QAAWAN KU AH DEGMADA BURSAALAX
21 Dec 2019 (Puntlandes) Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, isagoo u socda dhamaystirka qorshihiisii uu ku burburinayey degmada Bursaalax.
Dhabancad ayaa waxaa safarka kula weheliya xildhibaan Indhoceel oo ah xildhibaan gobolka Mudug gaar ahaan degmada Galdogob ka soo galay Baarlamaanka Puntland.
Indhoceel ayaa waxa uu wadaa olole xoogan oo uu beeshiisa Tanade Daarood uga gadayo qorshaha Dhabancad ee ah in la burburiyo degmonimada Bursaalax laguna daro degmadii ay markii hore ka tirsanayd ee Galdogob.
Sawirka kore Xildhibaan Indhoceel
Xildhibaanka ayaa waxa uu beeshiisa oo kal hore diiday qorshaha Dhabancad uga dhex ololaynayaa inuu uga keenayo Bursaalax 5 xildhibaan oo golaha deegaanka ka mid ah iyo gudoomiye kuxigeen, taas oo ah wajiga koowaad kadibna in lagu darayo degmada Bursaalax degmada Galdogob.
Laga soo bilaabo markii uu madaxweynaha dawladda Puntland Siciid C/laahi Deni wasiirka ka dhigay Dhabancad wuxuu si joogto ah u waday dulaan qaawan oo uu ku yahay shacabka degmada Bursaalax.
Ma jiro sharci wasiirka gooni uga ogolaanaya inuu degmada Bursaalax ku daro degmo kale, mana jirto degmo Puntland ka mid ah oo sifo sharci daro ah loogu daray ama loo hoos geeyey degmo kale.
Sidoo kale shacabka degmada Galdogob ayaa si cad u diiday qorshaha Dhabancad, iyagoo u sheegay inay Bursaalax tahay degmo uu ansixiyey Baarlaanka Puntland, laakiin hadda waxaa duulaanka ku weheliya Dhabancad oo ka gadaya shacabkaas waa Xildhibaan Indhoceel.
Xildhibaan Indhoceel waa xildhibaan gobolka Mudug waana nin dhalinyaro ah oo loo hanwaynaa lagama filayn inuu qayb ka noqdo MASHRUUCA MEERAYSIGA ee uu wasiir Dhabancad ku meeraysanayo degmada Bursaalax iyo shacabkeeda ku caanka ah ka shaqaynta horumarka deegaankooda iyo adkaynta dawladooda.
Shacabka degmada Bursaalax waxay leeyihiin Xildhibaan Indhoceeloow ha ku qatalmin dabinka uu kuu dhigayo Dhabancad hana ku ceeboobin oo ha ka shaqayn burburinteeda meel ixtiraam xildhibaanimo lagaaag hayo, aysana kuu suurto gelayn in aad burburiso.
Shacabka degmada Galdogob oo ah dad ay walaalo yihiin shacabka degmadda Bursaalax waa inay si taxadar leh isaga eegeen dhagarta iyo isku dirka uu wado wasiir Dhabancad, taas oo uu ka dhaxwado iyaga iyo walaalahood reer Bursaala, iskana diidaamn qorsha Dhabancad ee guracan.
Puntlandes.com