Wasiir Dhabancad oo u Hanjabay Waxgaradka Gaalkacyo iyo Odayaal ka baxay kulankii….
21 Dec 2019 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ku sugnaa maalmihii u dambeeyey magaalada Gaalkacyo ayaa isku dayay sidii uu kulamo ula yeelan lahaa Nabadoonada, Odayaasha, waxgaradka, iyo qeybaha bulshada, iyadoo ay iska diieen dalabkaas, waxayna ku xireen sharuudo kala duwan.
Wasiirka ayay Odayaashu ku eedeynayaan in uu horey marar badan u balan-qaaday in uu wax ka qabanayo xaaladda cakiran ee magaalada Gaalkacyo, aysana waxba ka hirgalin, gaar ahaana wax ka qabashada ammaanka oo ay ugu horeeyaan keenida ciidamadii Amniga.
Odayaasha dhaqanka ayaa ku eedeeyey Wasiirka in uu sabab u yahay habacsanaanta arrimaha Amniga ee gobalka ka jira, ka dib markii la qaaday ciidamadii Booliska, maamulka gobalka, kan degmada, Maaliyadda iyo Taliska Booliskuna ay noqdeen kuwa hawlgab noqday.
Dhabancad ayaa markii Odoyaashu diideen ka dib, si kedis ah ku soo galay kulan ay qabatay wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada ee Puntland, oo looga hadlayay xaaladda aadka u xun ee uu kusugan yahay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.
Odayaashii dhaqanka ee kulanka ka qeybgali lahaa ayaa markuu yimid Dhabancad ka baxay madasha, waxayna sheegeen in aysan raali ka noqon doonin kulan uu goobjooge ka yahay wasiirka Arrimaha gudaha, iyagoo sheegay in talaabooyinka dawladda aysan ka soo horjeedin, balse ay diidan yihiin balan furka dawladda iyo xubnaheeda.
Madaxweynaha Puntland ayaa horey Gaalkacyo u tagay bishii April ee sannadkan, isagoo xiligaas balan-qaaday in wax laga qaban doono arrimaha Ammaanka ee magaalada, ciidamada dib loo howlgalin doono balse taasi waxba kama suuragalin ammaanka ayaana hoos uga dhacay halkii uu ahaa.
Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland ayaa hordhac u ah wafdiga Madaxweyne Deni ee lafilayo in ay gobalka Mudug booqdaan todobaadyada nagu soo wajahan, waxaana booqashadan ay ku beegmaysaa xili xasaasi ah oo ay dadku aad uga niyadjabsan yihiin balan-qaadyadii madaxweynaha ee bishii April, xiligaas oo uu booqday magaalada Gaalkacyo.
Puntlandes.com