Sawiro: Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay Munaasabada Xil wareejinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Xaflad uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Dr. Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaarada arrimaha dibadda ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul ku-xigeen ahna ku-simaha Ra’iisul dalka, Waziirkii hore ee arimaha dibada, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, safiiro, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Munaasabada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay xoghayaha joogtada ee wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Cali Maxamed oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay la shaqeyn doonaan Wasiirka cusub ee Wasaaradda.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta maalgashiga Soomaaliya mudane Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay mudadii u xilka hayay ayaa ku dheeraaday arrimo badan sida qalabeynta Wasaaradda iyo tayeynta shaqaalaha, tababarida diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda, dhameystirka heshiisyo qabyo ahaa oo ku saabsan horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya, qorshaha lagu dhisayo guri ay leeyihiin diblomaasiyiinta iyo safiirada ee laga dhex dhisi doono xarunta Wasaarada arrimaha dibadda, heshiisyo lagu dayactirayo safaaradaha Soomaaliya ee caalamka kuwooda dib u dayactirka u baahan, hirgelinta qorshe wax barasho lacag la’aan ah oo loo sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaa uuna Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda uu ugu baaqay Wasiirka cusub ee arrimaha dibada Soomaaliya inuu ka faa’iideysto fursado badan oo Wazaaradu ayuu heysato oo ay jiraan dalal badan oo u diyaar ah in ay caawiyaan Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya Dr C/salaan Cumar Hadliye ayaa u mahad celiyay waxyaabaha u qabsoomay, isagoo balan qaaday in howsha uu halkeeda kasii wadi doono, wada shaqeyn buuxdana uu la yeelan doono dhamaan shaqaaalaha Wasaaradda.

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul wasaaraaha dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa kula dar daarmay Wasiirka cusub in uu shaqada halkiisa ka sii wato oo uu xoojiyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka.

xil1

xil2

xil3

xil4

xil5

xil6

xil7

xil8

xil9

xil10

Puntlandes.com

About The Author