Sawiro: Wasiirka Maaliyadda oo xilka la wareegay

Munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu qabtay Muqdisho, iyadoo uu goob joog ka ahaa xafladda hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa tilmaamay in Wasaaradda maaliyaddu ay Soomaaliya soo gaarsiisay meel laga xisaabtami karo, maantana uu ku faraxsanyahay ka qeybgalka munaasabadda xil wareejinta.

Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir oo ah guddoomiyaha Guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ayaa sheegay in Wasaaradda maaliyadda looga fadhiyo inay diyaariso qorshe cad oo qeexaya dhanka canshuuraha oo mideysan oo ah midda ay leeyihiin maamul goboleedyada kan dowladda dhexe.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay oo ay ka midtahay in ay diyaariyeen sidii deeqaha Soomaaliya loogu talagalay loogu soo shubi lahaa bankiga, isagoo shaqaalaha ka codsaday inay la shaqeeyaan Wasiirka cusub.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” ayaa uga mahadceliyay Wasiirkii hore waxyaabaha u qabsoomay, isla markaana uu wax badan ku kordhin doono Wasaaradda, waxaana uu howlwadeenada ka codsaday inay gacan ku siiyaan arrimahaasi.

Wasaaradda maaliyadda ee Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay diyaariso sharciga canshuuraha dalka, soo daabicidda lacag shilin Soomaali ah iyo kuwa kale.

IMG_2427

IMG_2429

IMG_2439

IMG_2446

IMG_2448

IMG_2455

IMG_2457

IMG_2459

IMG_2464

IMG_2477

IMG_2482

IMG_2499

IMG_2504

IMG_2509

IMG_2529

IMG_2538

IMG_2553

IMG_2579

IMG_2580

IMG_2582

IMG_2584

IMG_2592

 

Puntlandes.com

 

About The Author