QIIMEYN IYO ODDOROS W/Q NURADIN ADEN DIRIE

Bismillaahi Arraxmaani Arraxiim.

Waxaa gabagabo ah xirmo tobonaadkii labaad ee qarnigii 21-aad. Waxaana Ilaahay mahaddii noo bilowdey xirmadii seddexaad ee isla qarniggan aynu horaantiisa weli ku jirno.

Inkastoo weli qalbigeenna la xanuunsanayo shacabkii sida arxan darrada ah dhowaan argagixisadu ugu xasuuqdey magaalada Muqdisho, inkastoo maskaxdeenu ay weli la guuxeyso birmageydadii, aqoonyahankii iyo waxgaradkii Alshabaab naga laayeen sanadihii la soo dhaafey iyo weliba inkastoo sanadkan 2020-ka la galayo xusulduub siyaasadeed iyo abaabul doorashooyin, hadana waxaa is xusuusin mudan in tallaabo dib loo yara qaado qiimeynna lagu sameeyo 20-kii sanadood ee na soo dhaafey, oddorosna lala dul istaago toban xirmada kale ee soo socda.

Soomaaliya qarnigii tagey ee 20-aad wuxuu ugu dhammaadey burburkii dowladooda, kala furfurkii qaranimadooda iyo kala irdhowgii shacabkooda.

Qarnigii 21-aadna waxay Soomaalidu bilaabeen in ay raacaan waddo dheer oo dib loogu yagleelayo dowladooda. Wadadaasi waxay aheyd waddo xanuun badan, waxay laheyd dariiqyo qodxa badan, waxaana ku dheehnaa yididdiilooyin iyo niyad jabyo is daba socda.

Hayeeshee anigu waxaan qabaa in waxyaalo badan oo mug leh lana taaban karaa ay noo hagaageen.

Ugu horreyn waxaa noo soo noqdey magacii dowladnimada Soomaaliya. Tan iyo bilowgii qarniggan Soomaaliya Madaxweyne la’aan marna ma noqon, calanka Soomaaliyeedna kama maqnaan fagaaraha caalamka. Waa Ilaahay mahaddii in 20-kii sanadood ee la soo dhaafey ay dhacdey shan doorasho shan Madaxweynana ay si nabad ah xukunka ula kala wareegeen.

Waxaa dhidibbada loo dhigey aasaaskii Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya u dhalata tan iyo madax-bannaanideediii, waa Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya. Waxaa lagu heshiiyey cahdi-qarameed u baahan dhameystir. Waxaana la unkey aasaaskii qaab-dhismeedka Jamhuuriyadda heer dhexe iyo here gobolba.

Arimahaasi oo dhan waxaa ay suurtageliyeen dhaqdhaqaaq nololeed iyo xiriir istraatiijiyadeedba. Maanta waxaa magaalada Muqdisho ku suggan safaarado aan ka yareyn kuwii ku suggnaa caasimadda ka hor burburkii Jamhuuriyaddii labaad ee Soomaaliya.

Dhib badani waa ina soo qabsadey, tacsi badan weynu soo marney, hooyo badanna waa laga oohiyey. Hayeeshee waxaa la yiri al-umuuru bikhawaatiimihaa. Si kastoo haldoor nooga shahiido, si kastoo birmageydo nalooga bireeyo, arimahaas aan kor ku soo sheegey ee jiritaanka Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya waxba iska bedeli mahayaan. Soomaaliyana waa jireysaa waana joogeysaa.

Tobanka sanadood ee soo socotaa waxaa ii muuqda in is bedello waaweyn oo ka dhici doona Soomaaliya iyo geeska afrika aynu ku naalaba. Waxaa la qiyaasayaa in dhaqaalaha Bariga Africa uu isku xirrmi doono korna ugu kici doono in ka badan labanlaab marka la gaaro 2030-ka.

Arimahaasi waxay keenayaan fursado tira badan oo dhallinta Soomaaliyeed ka faa’iideysan doonaan Ilaahay idinkii. Sidoo kale waxaa ay keeni doontaa tartan aad u darran oo aan u baahnaaneyno in aan si macna leh ugu diyaargarownno.

Arimaha geo-strategic-ga ah (istraatiijiyadda juqraafiyeed) ee la saadaalinayana waaba kuwo ka sii saameyn iyo culeys weyn intaba. Tusaale ahaan tirada dadka ku nool Bariga Africa waxaa ay sanadka 2030-ka kor u dhaafi doonaan 600 oo malyuun oo qof. Wadamada nagu hareereysan ayaa aad u dad badan doona.  Sida Itoobiya oo gaari doonta 150 malyuun oo qof, Tanzania oo dhaafi doonta 80 Malyuun oo qof iyo Kenya iyo Uganda oo ka talaabi doona min 70 Malyuun oo qof. Waxaa tira ahaan is le’kaan doona dadka ku nool Bariga Africa iyo dadka ku nool Midowga Europe.

Hadana fursadaha isku xirnaanta dhaqaalaha Bariga Africa waxaa iyadana barbar socon doona isku socodka bulshooyinkooda oo caqabado gaar ah ku keeni doona wadamada baaxadoodu weyn tahay dadkooduna yar yahay sida Soomaaliya oo kale.

In aynu ka baqnaa isdhexgalaas anigu shakhsiyan ma qabo oo dadkeena Soomaaliyeed meel walbaa maanta waa joogaan waana dad ku kalsoon in ay bulshooyinka Africa oo dhan ay la tacaamuli karaan. Hadana qaran ahaan waa in aynu arintaas ka sii baaraan degnaa siyaasado feejigan oo si cilmiyaysan u maareyneysana aan ku sii talagalnaa.

Waxaan ku kalsoonahay in mustaqbalka noqon doono mid ka iftiin badan waaqica maanta. Waxaan ku kalsoonahay dadkeyga Soomaaliyeed in ay ka soo dhalaali doonaan caqabadaha xirmada saddexaad ee qarniga 21-aad la iman doona.

Balse si aan dhalinyaradeena garab iyo gaashaan ugu noqonno, uguna diyaarinno la falgalka caalamka cusub waa in aynu si degdeg ah u dhameystirnaa howlaha dasruuriga ah ee ka dhimman dhameystirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sanad wanaagsan.

WQ Nuradin aden Dirie

https://nuradindirie.com/

 

About The Author