Sawiro: Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe

Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka ,Abuukar Cawaale, ”Qaaddiid” ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu soo dhaweeyay magalo madaxda Puntland ee Garowe.

Soo dhawaynta Qaaddiid waxaa ka qayb galay masuuliyiin dowladda Puntland ka tirsan, Gudoomiyaha Gobalka Mudug,ururada bulshada sida Haweenka, dhalinyaradda iyo masuuliyiinta ururka suxufiyiinta ee MAP, waxaa sidoo kale soo dhawayntiisa ka qayb galay Fardo kuwaasoo gaado ka ciyaar goobta kusoo bandhigay.

Marka uu soo dagay Cawaale Qaaddiid waxa uu mid mid u gacan qaaday dhamaan dadkii soo dhawayntiisa ka qayb galay oo Ragg iyo Dumar-ba isagu jiray.

Madaxa ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP Faysal Khaliif Barre oo ka mid ahaa masuuliyiintii soo dhawaynta Cawaale ka haday ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Qaaddiid inuu Puntland soo gaaro sidoo kale waxa uu sheegay inay fikir muhiim ah tahay in Qaadka oo Saamayn xun nolasha qofka ku ah laga wacyi galiyo isla markasna loo sheego qadartiisa oo aan laga qarin.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxmed Yuusuf Jaamac ”Tigey” iyo Agaasimaha ciyaaraha Axmed Cabdalle Tigaane waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin Olalaha Qaaddiid inuu soo gaaro Soomaaliya gaar ahaan Puntland, waxayna tilmaameen inay u heelan yihiin sidii loogu taageeri lahaa mar kasta Abuukar Cawaale dadaala wanaagsan ee uu wado.

Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka Mudane Abuukar Cawaale ayaa u mahad celiyay marka hore dhamaan dadkii soo dhawayntiisa ka qayb galay waxa uu sheegay inay tani dhiirigalin u tahay,Cawaale oo sii hadlaya ayaa sheegay socdaalkiisa Soomaaliya inuusan ahayn qaad Joojin hase yeeshee uu wado la tashiyo uu la qaadanayo dadka Qaadka cuna, kuwa ka ganacsadao, Hooyooyinka,mamulka dowladda iyo rayidka kale.

Cawaale hadaladiisa waxaa ka mid ahaa inay tahay wax laga xumaado in miisaaniyadda dowladda ay ka faro badan tahay tan dowladaha kale ay dadkeena Soomaaliyeed ka faa’iidaan, waxa uu muujiyay in la joogo waqtigii arrimahaan dadku ka tashan lahaayeen oo ay Mustaqbalkooda iyo kuwa caruurtooda ka fekeri lahaayeen.

Inta uu ku sugan yahay Cawaale Qaaddiid deegaamadda Puntland waxa uu samayn doono kulamo kala duwan oo u badan wacyi galin iyo wadatashiyo.

IMG_1333 IMG_1358 IMG_1374 IMG_1380 IMG_1399 IMG_1406 IMG_1413 IMG_1418 IMG_1435 IMG_1436 IMG_1454 IMG_1462 IMG_1469 IMG_1478 IMG_1490 IMG_1500 IMG_1512 IMG_1517 IMG_1518 IMG_1524 IMG_1531 IMG_1545 IMG_1548 IMG_1554 IMG_1874IMG_1872IMG_1871IMG_1845IMG_1805IMG_1785IMG_1783IMG_1769IMG_1768IMG_1767IMG_1759IMG_1755IMG_1679IMG_1674IMG_1671IMG_1668IMG_1657IMG_1640IMG_1587IMG_1557IMG_1554IMG_1557

 

Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
DHAMAAD.

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author