Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug oo aqbalay Liiska 20ka Xildhibaan ee Ahlusuna

03 Jan 2020 (Puntlandes) Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug ayaa maanta aqbalay Liiska 20ka Xildhibaan ee ka yimid dhanka Ahlusuna, waxaa sidoo kale lagu wadaa in maalmaha soo socda ay DFS shaaciyo tirada ka hartay Baarlamaanka Galmudug ee ah 69-ka Xildhibaan ee ay soo xuli doonaan Odayaasha dhaqanka ee saxiixayasha Galmudug.

Dhanka kale waxay aqbalaadani ku soo aadaysaa iyadoo madxaweyne Xaaf uu soo saaray war qoraal ah oo uu ku sheegay inuu kala noqday DFS wakiilnimadii uu u wakiishay maamulsamaynta Galmudug.


Puntlandes.com

About The Author