Maxaa iska bedelay qarashka wasaaradda Arimaha gudaha Soomaaliya ee sanadkii dhamaaday 2019 iyo kii ka horeeyey 2018?

03 Jan 2020 (Puntlandes) Arrimaha Gudaha iyo Fadaraalka ayaa qarashkeedu ahaa sida ku xusan miisaaniyadda DFS 2018kii lacag dhan $7,829,023 halku uu noqday sanadkii dhamaaday aduun dhan $20,621,733.


Kororka qarashka wasaaradda 2019 ayaa ah 163,40%, taas oo ah u dhiganta $12,792,710.

Quburada ka faaloota arimaha dhaqaalaha ayaa kororka ku macneeyey qarashkii xad-dhaafka ahaa ee Villa Somalia uga baxay burburintii Galmudug oo ay DFS u taqaan maamul dhisida Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Fadaraalka ayaa loo qoondadeeya 2020 ka qarash ah $26,172,274, taas oo ah koror 27% kaliya halka 2019kii uu kororku ahaa 163,40%.

Madaxda wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Fadaraalka ayaa waxaa fadhi u ahayd intii badnayd 2019kii magaalada Dhuusamareeb, iyadoo uu Ra’iisul wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre na waqti badan fadhiyey halkaas.

Puntlandes.com

About The Author