Aqalka Sare oo guddi u magacaabay sharciga doorashooyinka qaranka ee heer Federaal
04 Jan 2020 (Puntlandes) Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JF Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Magacaabay guddi ka soo shaqeeya Sharciga doorashooyinka heer Fedraal oo lagu waddo in dhawaan la horgeeyo Aqalka Sare.
Guddiggaan ayaa ka kooban 7 xubnood oo ka tirsan Aqalka Sare, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii Sharciga doorashooyinka loo horgeyn lahaa Aqalka Sare.
Xildhibanada Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya ayaa dhawaan Ansixiyay Sharciga doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal oo ku saabsan in doorasho qof iyo Cod ah ay dalka ka dhaco oo xildhibaanada laga soo doorto degaanada ay mataan ka dibna ay Madaxweynaha doortaan.