Kenya war kooban ka soo saartay weerar saaka Alshabaab ku qaadday saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanku ku leeyihiin degaanka Manda Bay ee gobolka Xeebta Lamu
05 Jan 2020 (Puntlandes) Wasaaradda Gaashaandhiga waddanka kenya, ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay kaga warbixisay, weerar saaka Al-shabaab ku qaadday saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanku ku leeyihiin degaanka Manda Bay ee gobolka Xeebta Lamu.
Wasaaradda ayaa sheegtay, in halkaasi lagu dilay afar kamid ah Argagixisadii weerarka soo qaadday, kadib markii si guul ah ciidamadu isaga caabbiyeen isku dayga weerar ee lala beegsaday saldhiga , sida ay hadalka u shigtay wasaaradda Gaashaandhiga waddanka kenya.
Dowladda kenya ayaa sidoo kale xaqiijisay, in weerarkaasi uu dhaliyay dab ka kacay Booyadaha Shidaalka oo saldhiga yaallay, kaasi oo markii dambe la bakhtiiyay, laakiin aysan jirin wax khasaare kale ah oo halkaasi ka dhashay.
Alshabaab ayaa horay u sheegtay, in dagaalyahannadooda gudaha u galeen Saldhiga ayna burburiyeen agabkii militari ee yaalay xerada, oo ay ku jiraan diyaarado dagaal iyo gaadiid ciidan waxaana ay tilmaameen in weli dagaalku ka socdo gudaha saldhigaasi SIMBA.
Puntlandes.com