Maxkamadda Bosaso oo xukun ku riday Nabadoono & Siyaasi Muuse Cali Jaamac

05 Jan 2020 (Puntlandes) Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari, ayaa maanta xukunno isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ku riday, siyaasi Muuse Cali Jaamac iyo odayaal kale oo mudda bil ah ku xirnaa magaalada Bosaso, kadib markii ay xukuumadda Puntland ku dhaliileen Heshiisyo Maalgeshi oo ay kula jirto Shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.

Maxkamadda ayaa laba  sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo $1,000 Doollar, waxay  ku riday Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble.

Guddoomiyaha Maxkamadda oo ku dhawaaqay xukunka, ayaa sheegay in shanta eedaysane ay ku caddaatay eedaymo ay ka mid yihiin Kicindadweyne iyo sidoo kale aflagaaddo ka dhana madaxda dowladda Puntland.

Sida ku qeexan dastuurka muwaadin looma xiri karo fikirkiisa, wuxuunna ku cabiri karaa hadal, qoraal, sugaan. Sidoo kale xabsi laguma hayn karo muwaadin muddo ka badan 72 saacadood xukun maxkamad la’aan.

Puntlandes.com

About The Author