Sawiro: Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ka qayb galay Aaskii loo sameeyay Gudoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti

Gudoomiya Baarlamaanka Puntland ayaa ka qayb galay Aaskii maanta magalada Jabuuti loogu sameeyay Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Baarlamaanka ee dalkaasi Marxuum Idiris Arnaa’uud Cali.

Gudoomiye Siciid Xasan Shire iyo Xildhibaan Siciid Cabdi Samater Surcad ayaa dowladda Jabuuti iyo shacabkooda uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku yimi Afhayeenkooda Baarlamaanka, Sidoo kale waxay saxiixeen buuga tacsida ee marxuum Idiris loo furay.

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti iyo qaar ka mid ah wasiiradda dalkaasi ayay la kulmeen inta ay socotay tacsiga ee maanta.

Aaska qaran ee loo sameeyay Idiris Arnaa’uud Cali waxaa kasoo qayb galay wafuudyo ka socda DFS,Somaliland, Itoobiya iyo Kenya.

1621

10928652_882983111758005_864776137_n 10966571_882984908424492_294870848_n 10984801_882984901757826_2039498340_n 10984889_882985365091113_681035497_n 10994693_882981945091455_1362103941_n 11004316_882985388424444_926452477_n 11004331_882985491757767_968457068_n 11004500_882982371758079_269552962_n 11004876_882985341757782_1838537883_n 11005589_882984941757822_1476886165_n 11006085_882981838424799_936228644_n 11007479_882984921757824_1011171961_n

 

Puntlandes.com

About The Author