Alshabaab oo soo bandhigay sawiro muujinayo qabsashadii Saldhigii Mareykanka ee Lamu
05 Jan 2020 (Puntlandes) Xarakada Alshabaab ayaa baahisay sawirada weerarkii ay saaka ku qaadeen Saldhigga ay ciidamada Mareykanka ku lahaayeen Lamu.
Mu’asasada Al Kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Alshabaab ayaa faafisay sawirro ay ku sheegeen inay hordhac yihiin oo muujinaya dagaalyahanada Alshabaab oo ka dagaallamaya gudaha saldhigga ciidanka Mareykanka.
Sawirada ay Al Kataa’ib faafisay ayaa waxaa laga dhex arkayaa dagaalyahanada Alshabaab oo gudaha saldhigga ku gubayo diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka oo yaalay gudaha Saldhigga.
Taliska hawlgallada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee magacooda loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa xaqiijiyey in saldhig ay ku leeyihiin gobolka Lamu ee Kenya ay beegsatay Alshabaab.
Wax faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin AFRICOM qasaaraha khasaaraha guud ee ka dhashay weerarka oo qaraxyo ku bilowday sidda la sheegay.
Dhanka kale Wakaaladda wararka AP ayaa baahisay in weerarkaas lagu gubay 4 diyaaradood iyo qalab badan oo ciidan, halkan ka akhriso