Beelaha Galmudug oo ka horyimid farogelinta DFS ku hayso soo xulista Xildhibaadanada

06 Jan 2020 (Puntlandes) Beelaha degaanada Galmudug ayaa waxay ka soo hor jeesteen farogelinta qaawan ee ay dawladda Federaalku ku hayso soo xulista Xildhibaanada cusub ee maamulka Galmudug.

Madaxdhaqameedka beelaha oo siyaabo kala duwan saxaafadda ula hadlay ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ka waddo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Odayaasha dhaqanka ayaa Khayre ku eedeeyay in uu badalay inta badan odayaashii soo saxiixay dhismaha maamulka Galmudug sanadkii 2015-kii.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in xildhibaano ay soo qortay ay saxiixaan Odayaasha dhaqanka, islamarkaana aysan arintaasi aqbali doonin.

Madaxdhaqameedka beelaha ayaa caddeeyey in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan dooneyn maamul dadka degaanka ay leeyihiin in laga dhiso Galmudug, laakiin ay doonayso maamul u shaqeeya dowladda Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author