Maxkamadda sare ee racfaanka ciidamada qalabka sida ee Puntland oo xukuno ku riday shan nin oo ku eedaysnaa inay dilal gaysteen.

06 Jan 2020 (Puntlandes) Maxkamadda sare ee racfaanka ciidamada qalabka sida ee Puntland oo xukuno ku riday shan nin oo ku eedaysnaa inay dilal gaysteen.

Maxkamadda  ayaa dil toogasho ku xukuntay sadex ka mid ah shan eedaysane halka ay labada kale ku xukuntay bixinta mag.

Eeadysanayaasha dilka lagu xukumay ayaa waxaa ka mid ah Axmed Aadan Maxamed Gaagaale oo ku eedaysnaa dilka allaha u naxariistee Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Xassan Shire Amaan.

Xukumane Axmed Aadan Gaagaale ayaa loo xukumay 67-halaad oo looga simay dhaawac ka soo gaaray soo qabashadiisi , waxaana lagu xukumay inay bixiso Dawladda Puntland.

Eedaysanayaasha kale ayaa kala ah:

1-Ayaanle Maxamed Cabdi: dil toogasho ah

2-Axmed Maxamed Muuse: dil toogasho ah

3-C/qaadir Axmed Maxamed: Mag 100 halaad

4-C/qaadir Ayaanle Maxamed: Mag 100 halaad

 

Puntlandes.com

About The Author