Sawirro: Puntland iyo Itoobiya oo shir uga furmay magaalada Wardheeer
15 Jan 2020 (Puntlandes) Waxaa Magaalada Wardheer ka furmay kulan-ka shirwaynaha Adkaynta iskaashiga Nabbada iyo xuduudaha Dowladda Ethiopia, khaasatan Dowlad Deegaanka Soomalida iyo Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, waxaana laga wada hadlay sidii layskaga kaashan lahaa amniga iyo Nabbadgalyada labada dhinac, Horumarinta iyo iskaashiga Dhaqaalaha. Waxaa kaloo laga wada WADA hadlay ka hortaga iyo maaraynta Qulqulka Muhaajiriinta labada Dhinac, gaar ahaan Ethiopianka u tahriibaya gudaha Puntland.
Weftiga ka socda Dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federal & Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed C/raxman Dhabancad waxaa kaloo ka mid ahaa
Cabdulahi Cabdi Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha, Cabdiqafaar Cilmi Xaange Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta dhaqaalaha, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdullaahi, Mukhtaar Jayte oo ah Agaasimaha Nabad sugida, Khalif Ciise Mudan oo ah Lataliyaha Amniga ee Madaxwaynaha Puntland, Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore iyo Gudoomooiyaha Gobolka Cayn Mudane Guuleed.
Weftiga dhanka Ethiopia oo uu hogaaminayay Taliyaha Ciidanka Military Federalka ee Qaybta Hararge ee Bari General Sawdu Balay, waxaa kamid ahaa Kuxigeenka hogaanka DDS, Taliyaha ciidanka gaarkaa ee DSS, Taliye kuxigeenka Booliska DDS, Qunsul Dowladda Ethiopia u fadhiya Puntland General Mabratu, Gudoomiyaha Gobolka Doollo iyo Saraakiil Maamul iyo hay’adaha Amniga ee heer Federal iyo mid deegaanba ah.