Qaadkii Puntland uga imaan jiray Dalka Kenya oo mudo shan maalmood ah la joojiyay

Wararka ay helayso Puntlandes ayaa sheegaya in mudo shan maalmood ah la joojiyay Qaadkii Puntland uga imaan jiray dalka Kenya.

18573

Ganacsatadda Qaadka ee Gobalka Mudug ayaa waxaa laga soo xigtay warkan, waxaana loo sababaynayaa baaqashada qaadkaasi ee Kenya arrimo la xariiro canshuurta ay qaataan Gaadayare iyo Dhagaweyne oo aad loogu kordhiyey, iyo diyaarada oo ku qaaliyaysay qiimaha qaadka looga soo qaadayo wadankaasi.

Barni Jaamac Maxamed (Barni Jaqalood) waxay ka mid tahay dadka Qaadka ka keena wadanka Kenya, waxay sheegtay inay ka xun tahay qiimaha Canshuurta Dowladda Puntland ka qaado Qaadka, sidoo kale waxay tilmaamtay inay muhiim tahay Dadka iska leh beeraha qaadka laga soo iibiyo inay dhimaan qiimahooda.

640x427xIMG_15871.jpg.pagespeed.ic.2tl4uDEemo

Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale ”Qaaddiid” oo maalinkii shalay soo gaaray magalada Garowe ayaa sheegay inuusan saamayn ku lahayn socdaalkiisa Puntland qaadkan shanta bari laga joojiyay Puntland, hase yeeshee ay wanaagsan tahay dhaqaalaha ay bil kasta naga faa’iido Kenya in la galiyo gudaha dalka si horumarka socdaa uu usii xoogsado.

 

 

 

Puntlandes.com

About The Author