Sawirro: Wefti Puntland ka socda Gaaray Kastam ka Tuur Dibi ee u dhexeya Ethiopia iyo Puntland
16 Jan 2020 (Puntlandes) Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa maanta Gaaray Kastam ka Tuur Dibi ee u dhexeya Ethiopia iyo Puntland Wasiirka iyo Weftiga la Socda ayaa kulamo la Qaatay Masuuliyiinta Labada Dhinac ee Ethiopia iyo Puntland.
Geesta Kale Wasiirka ayaa Gaaray Magaalada Galdogob waxaana uu kulamo la Qaatay Maamulka iyo Bulshada Degmadaasi Wasiirka ayaa uga Warbiyey Safarkii uu ku Tagay Dalka Ethiopia iyo Halka uu Maraayo Furitaanka Kastamka Tuur Dibi waxa kale uu Wasiirku kala hadlay Bulshada Reer Galdogob dhismaha Golaha Deegaanka ee Degmadaas oo Dhawaan la Dhisi Doono.