Sawirro: Wafdi Heer Sare ah oo Ka Socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) oo Booqashi Rasmi ah Ku Yimid Soomaaliya
16 Jan 2020 (Puntlandes) Wafdi heer sare ah oo ka socday ‘Xarunta Dhexe ee Geneva’ iyo ‘Xafiiska Mandiqadda Bariga & Mediterranean-ka (EMRO) ee Qaahira’ ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (World Health Organization- WHO) ayaa booqasho ku yimid Somaaliya kadib markii ay Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya u fidisay martiqaad rasmi ah oo ay ku yimaadeen Muqdisho iyagoo sidoo kale booqday Hargeysa, Baydhabo iyo Baladwayne. Wafdigan ayaa Soomaaliya ku sugnaa 12 – 16 Janaayo 2020.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaliya ayaa wafdiga WHO la yeelatay kulamo shaqo iyo shirar farsamo kuwaas oo lagu gorfeeyay xiriirka Hay’adda Caafimaadka Adduunka iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaliya, wada shaqaynta labada dhinac iyo sidoo kale sidii Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa Yoolka Caafimaadka Loo Dhanyahay (Unversal Health Coverage- UHC).
Tubta Qaran ee Yoolka Caafimaadka Loo Dhanyahay ayaa Dawladda Soomaaliya laga la daah furay September 2019 iyadoo ay Soomaaliya qaadatay hirgalinta Yoolkaas oo looga gol leeyahay in muwaadin kast oo Soomaali ah uu helo adeeg caafimaad oo dhamaystiran.
Wafdiga WHO waxaa hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Yoolka Caafimaadka Loo Dhanyahay, Dr. Peter Salama iyadoo ay wehlisay Agaasimaha Maamulka Mashaariicda ee Hay’ada Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Xafiiska Mandiqadda Bariga & Mediterranean-ka (EMRO), Dr. Rana Hajjeh.
Hadafka wafdiga ayaa ahaa sidii ay Soomaaliya u xaqiijin laheyd ka gun gaarka Hadafka Caafimaadka Loo Dhanyahay, baahinta adeeg bixinta caafimaadka dalka iyo tayaynta xirfadlayaasha caafimaadka, nidaamka caafimaadka iyo maalgalintooda.
Waxay Wasaaradda Caafimaadka wafdiga u fududeeysay inay soo booqdaan xarumaha caafimaadka sdia: isbitaalada iyo xarumo kale ee bixiya gargaarka iyo adeegyada caafimaad si ay fikrad dhab ah uga qaataan heerka adeeg bixinta caafimaad ee Soomaaliya, talana uga bixiyaan hababka lagu hormarin karo laguna tayayn karo.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaalya oo ay hogaaminayso Wasiir Fawziya Abikar Nur ayaa wafdiga u fududaysay inay booqdaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaliya, halkaas oo Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ku soo dhaweeyay una sharaxay siday Soomaaliya uga go’antahay hirgalinta Caafimaadka Loo Dhanyahay.
Puntlandes.com