Sawirro: Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhankiisa saxiixay mashruuc lagu dhisayo wadooyinka magaalooyiinka Muqdisho, Kismayo, Garowe Iyo Baydhabo
18 Jan 2020 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda XFS, wasiirka howlaha guud iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis qaybtii magaalda Muqdisho ee mashruuc ku kacaaya 112 Milyan oo lagu dhisidoono magaalooyinka dalka.
Heshiiska ay mausuliyiinta wada saxiixdeen ayaa magaalooyinka lagu dhisidoono waxa kamid ah Muqdisho, Kismayo, Baydhabo iyo Garowe iyadoo qeybta magaalada Muqdisho uga soo aaday ay tahay ku dhawaad 28-Milyan oo doollar, taas oo ay magaalo kasta ay ka heshay mashruuca.
Wasiirka wasaarada Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashruucaan uu qeyb ka yahay deyn cafinta oo dowladdu ku bixisay dadaal sidii dalka looga cafin lahaa miradhalkeedana uu heshiiskaan lagu hormarinayo Magaalooyinka uu qeyb ka yahay.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay ahmiyada mashruucani,waxaa uuna sheegay in ay tahay tilaabo xaga hormarka looqaaday islamarkaana ay soo dhaweynayaan.
Wasiirka wasaaradda howlaha guud ee XFS mudane Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu tilmaamay in dowlada federaalka Soomaaliya ay gudaha dalka kawado mashaariic kala duwan oo lagu horumarinaayo dib udhiska dalka.
Puntlandes.com