Sawirro: Puntland iyo Jubaland oo shir uga furmay Bosaso

18 Jan 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay Shirka Xukuumadaha Puntland iyo Jubbaland, oo hada ka socda xarunta madaxtooyada ee magaaladda Bosaso.

Shirkan oo ku saabsan iskaashiga labada dhinac ee arrimaha amniga, ganacsiga iyo horumarka guud, ayaa sidoo kale waxaa looga hadlaya arrimaha Siyaasadda dalka, sida Doorashooyinka, dib u eegista Dastuurka, Shidaalka iyo deeqaha lagu helo magaca Soomaaliya.


Puntlandes.com

About The Author