Ra’iisul Wasaare Khayre oo hakiyay mashaariic laga reebay Hirshabelle iyo Galmudug

18 Jan 2020 (Puntlandes) Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa soo saaray amar uu ku hakinayo Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka.

Amarka ka soo baxay Xafiiska Khayre ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono mashruuca, waxaana laga qeyb gelin doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.

Heshiiskan la kala saxiixday ayaa waxaa uu ka kacayay 112 malyan oo dollar taasoo min 28 malyan oo dollar ay u kala heli lahaayeen magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Baydhabo iyo Kismayo.

 

Puntlandes.com

About The Author