Turkiga oo sheegtay in afar ruux oo Turkey ah ay ku dhaawacmeen qaraxii Afgoye

18 Jan 2020 (Puntlandes) Dowlada Turkiga ayaa shaacisay in afar ka mid ah muwaadiniinteeda howlaha shaqo u jooga Soomaaliya ay ku dhaawacmeen qarax saaka ka dhacay magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay iyadoo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Afar ka tirsan shaqaalaha Turkiga ee ka shaqeynayay dhismaha Waddada.

Sidoo kale,Wasaarada Difaaca dalka Turkiga ayaa sheegtay in qaraxa lala beegsaday Shaqaalaha Turkiga ah lagu dhaawacay 4 ka mid ah shaqaalaha dalkaasi u dhashay.

Ururka Alshabaab oo sheegtay weerarka ismiidaaminta ah ayaa ku macneeyay inuu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay shaqaalaha Turkiga ah ee ka shaqeeya wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa waxaa sidoo kale qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaaray ciidamo Soomaali ah iyo dad rayid ah,waxaana ka mid ah dadka rayidka ah ee dhaawacyadu ka soo gaareen dad rakaab ah oo saarnaa gaari ka soo tegey magaalada Jowhar kuna sii jeeday Muqdisho.


Puntlandes.com

About The Author