Maqal: Hoos u dhaca maqaamkii Puntland iyo kobaca awoodeed ee dawladda Xamar.
Lagasoo bilaabo, shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi ee socdey 25-kii June 2003 ilaa 29-kii bishii January 2004 waxay soomaalidu ku heshiiyeen in la qaato nidaam federal ah, si Soomaalidu 1. u kala nabad gasho, 2. wax loo wadaago, waxna loo kala lahaado. Mas´uuliyad iyo waajibaad qaybsan iyo maamul daadegsen oo aan ku koobnayn hal magaalo.Nidaamkaas waxaa khasabtay maamul goboleedkii Puntland oo ayadu ahayd State:kii keliya ee jirey xilligaa.
Curashadii Puntland.
Puntland waxay ka abuurantay, kedib kolkii uu fashil kusoo idlaaday, shirkii 4aad ee dib u heshiisiineed oo Soomaali loo qabto December 1997. Iyadoo ay damceen hogaamiye-kooxeedkii koonfurtu inay si tanaasul la´aan ah u wada qaataan awooddii dalka. Waxaa weliba arrinkaa ka horreeyey, inay si toos ah u diideen shirkii ay ku baaqeen ururkii SSDF, shacabkii waqooyi bari iyo ururadii ay oodwadaagta ahaayeen. Shirkaas oo la iclaamiyey in lagu qabto magaalada Boosaaso.
Waxaa xusid mudan, in 3dii shir ee shirka Qaahira ka horreeyey, sida, shirkii Djibouti ee June ilaa July 1991, shirkii bishii March 1993 ee Ethiopia iyo shirkii Sodere ee socdey intii u dhaxaysey bilihii November 1996 ilaa January 1997 iyadoo ay intuba u fashilmeen, kolkii ay diideen inay dhankooda fuliyaan ururadii koonfurtu, shuruudihii lagu heshiiyey iyagoo kolkaa is bidayey inay lahaayeen xaq dheeri ah maadaama ay joogeen Xamar oo ahayd Caasumadii Soomaaliya.
Hanaqaadkii Federeral.
Kolkii lagu heshiiyey nidaamka federalka ah. Isla markaana, Nairobi lagusoo xulay 29 august 2004 golihii metelilahaa shacabka ee u horreeyey kadib dawladdii rayidka ee la af-gembiyey 1969, oo iyana ay doorteen 10 October 2004 Madaxweynihii dalka Colonel Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayey waxay isla Nairobi ka bilaabeen usoo wareegida dalka iyo hirgelinta nidaamkii federalka ee lagusoo heshiiyey.
Puntland waxay si hagar la´aan ah u garab istaagtey DKFS, maadaama uu axdigeedii kumeelgaarka ahaa dhigayey, Inay midnimo Soomaaliyeed u doonto si shuruud la´aan ah.
Balse waxaa nasiib darro noqotay, in ay ururadii koonfureed oo awelba heshiin la´aanta Soomaalida sababta u ahaa ay bilaabeen, xagaldaacis, hagardaamayn iyo lug jiid ay ku samaynayaan dawladdii ay goleyaasheeda ku biireen. Waxaa si waadax ah u muuqatay dhaqankoodii ahaa “Cadkaanoow ku cunay ama ku ciideeyey”.
Uma suurtoobeyn inay sidii dhaqanka u ahayd, ay awood ciidan ku hor istaagaan. Maadaama ay dalka soo galeen ciidamo shisheeye oo kolkaa dagaal ku bilaabey jabhadihii iyo ururadii xagjirka ahaa ee ka askumay. Waxaa lasoo xirxiray hoggaamiyeyaal jagooyin sare ka hayey isla dawladda.
Iyagoo la jaanqaadaya xaaladda cusub (waa ururadii koonfurta´e) oo weliba kaashanaya generals:kii Ethiopia, ururadii xagjirka ahaa, Djibouti iyo Eritrea ayey waxay ku guuleysteen inay af-gembiyaan madaxweynihii la doortay, Cabdullaahi Yusuf Axmed isagoo ku dhawaaqay inuu shaqada ka tegey 29 December 2008, kolkii uu ka wadi waayey xulafadaas kore, kuwaas oo uu ku jirey prime minister:kiisii Nur Xassan Xussein.
Xulufadaan is huwaneyd balse kala danta ahaydi, waxay 9kii January 2009, Djibouti kusoo doorteen Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ahaa hogaamiyihii Maxaakimtii Mogadisho. Iyadoo ay mudantahay in la tilmaamo in ciidanka Ethiopia ee xilliga doorashada ay xulufada ahaayeen, uu sanaddo ka hor, dagaal uu ku tilmaamay Jihaad kalasoo horjeedey. Middaasoo keentay inay uga saareen xudduuda Soomaaliya ee dhanka Kenya.
Dagaalka rasmiga ah ee burburinta nidaamkii federalka.
Puntland oo weli ahayd state:ka keliya ee xilligaas jirtey. Ayaa iyadoo ku mintidaysa xoojinta nidaamka federal:ka ayey bilowday inay ka guurto, axdigii kumeelgaarka ahaa iyadoo isla xilligaasna ay xukunka la wareegtey 8 January 2009 xukuumad cusub oo uu hoggaaminayey Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud (Faroole).
Puntland waxay yeelatay Dastuur 18 April 2012, kaas oo ay cod ku ansixiyeen ergo dadweyne oo gaareysey 472. Dastuurka Puntland waxaa ku cusbaa laba qodob kolka la eego xoojinta federalaynta. 1. in la bedeley magicii ahaa dawlad goboleed oo loo bedeley dawladda Puntland iyo 2. In kolkaan shuruud lagu xiray ka mid ahaansho dawlad Soomaaliyeed, taasoo ah inuusan ka hoosayn hab federal ah. Iyo waxa la gudboon Puntland haddii a) Soomaalida ku heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo aan ka hooseyn nidaamka Federaaliga. b) Ay daba dheeraadaan daganaansho la’aanta iyo dagaallada ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya.
Dawladda Xamar joogtey, iyadoo kolkaan heshay ciidamo shisheeye oo amaankeeda suga, ugu-yaraan goobihii ay Xamar uga sugnayd, waxay bilowday dagaal ka dhan ah nidaamka federalka. Eeg ayagoo weli xambaarsanaa afkaarihii keenay in Soomaalidu ku heshiin weydo shirarkii 90aadkii ee ahayd in ay leeyihiin xuquuq awoodeed oo gooni ah maadaama ay Joogeen Xamar.
Puntland iyadoo arrinkaa ka duuleysa ayey sii laba jibaartey xoojinta nidaamka federalka iyadoo kolkaan garab ka heleysey beesha caalamka. Waxaa la qabtay shirarkii ku saabsanaa Dastuurka iyo awood qaybsiga ee Garowe 1, Garowe 2 iyo Gaalkacyo accord. January and February 2012 waxa la ogolaaday in la kordhiyo ciidanka AMISOM oo la gaarsiiyo 18000 iyo in la bedelo mandate:ka iyo nooca mission oo kolkii hore ahaa nabad ilaaliyeyaal, ayadoo loo bedeley nabad dhaliyeyaal. Waxay weerar ballaaran ku qaadeen goobihii shabaabku kaga sugnaa Xamar. middasoo khasabtay inay ka baxaan Xamar oo dagaalkoodii u bedelaan ku dhufo oo ka dhaqaaq.
Deetana waxaa la galay xilligii kala guurka, waxaana la sameeyey roadmap:kii Doorashooyinka kaasoo soo idlaaday 10kii september 2012 oo la doortay Xassan Sheikh Maxamuud.
Xassan oo helay Shabaab oo aan ka joogin Xamar goob cayiman, asagoo aaminsanaa nidaamkii ururadii koonfurta ee ahaa dawlad dhexe oo xoog leh, ayaa sii labajibaarey la dagaalanka nidaamkii federalka.
Is Jiidjiid dheer ka dib, kolkii Xassan Sheikh iyo xulafadiisii damul jadiid, lagusoo kariwaayey nidaamkii federal:ka, waxay Puntland xiriirkii u jartay si buuxda dawladdii federal:ka 6 August 2013.
Waxaa xilligaa, bilo ka hor, ka bilowday Kismaanyo, olole shacab oo kaashanayey siyaasiyiin waxgarad Soomaaliyeed Iyo Puntland. Middaasoo suurtogelisey in lagu yagleelo State:kii 2aad ee Jubbaland iyadoo lagu guuleystey in 15 Mey, 2013 la doorto madaxweyne iyo gole shacab.
Bilowgii burburka awoodeed ee Puntland.
8dii January 2014 ayaa la doortay Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) isagoo hantiyey Puntland iyo Dawladdii Xamar oo aan wax xiriir ahi ka dhaxayn.
Xukuumadda Puntland waxay halhays ka dhigatay qodobkii ku qornaa Axdigii la bedeley ee ahaa in midnimada lagu doono si shuruud la´aan ah.
Siyaasaddaan qabowi, waxay fursad qaali ah u noqotay federal diidka, iyagoo bilaabay inay wax kasta oo la wada lahaa ay si gooni ah u maamushaan. Taasi waxay keentay kacdoono shacab oo waaweynaa oo ka dhacay Puntland. 31dii July 2014 waxaa Puntland u yeeratay xildhibaanadeedii ugu jiray dawladda Xamar. Xukuumadda Puntland waxay soo saartey digniino aan waxba ka suurtogalin, iyadoo dawladda Xamar halkeedii kasii ambo qaaday, is hor taagidda danaha shacabka Puntland iyo weliba iyadoo si cad u diidey State.kii kusoo biiray saaxada ee Jubbaland.
Waxaa niyad jab weyn ku ridey shacabkii Puntland, siyaasaddii jilicsanayd ee Puntland oo kolna soo saareysey inay wax diideen kolna la arkayey inay ogolaadeen iyadoon la ogeyn halka lagu ogolaaday iyo sida loo heshiiyey. Waxaa bilaabatay, diidney misana yeelnay oo ay ugu darnayd xilligii doorshada oo ay xukuumadda Puntland cod ka qaaday shacabkii Puntland inaynu yeelno in 4.5 lagu galo doorashada iyo in la diido. Waxa cod lagu diidey doorasho 4.5 balse maalmo kadib dawladdu waxay ku dhawaaqday inay ogolaatey.
Waxaa dhimatay kalsoonidii shacabka.
Shacabkii ku dagaalilahaa nidaamka federalku waxay arkeen inaan dawladdoodu la haysan. Ayadoo ay taasi jirto ayaa waxaa 8dii February 2017 la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. kaasoo usii raray dawladdii Xamar nidaamkii Kacaanka. oo waxaaba i qarso noqday Xassan Sheikh.
Waxaa lasoo celiyey, heesihii kacaanka, astaamihii kacaanka. Waxaa la hawl geliyey wax loogu yeeray “ xoogaga wadaniyiinta” iyadoo laga hawl geliyey kumanaan guulwade baraha bulshada. Waxaa la bilaabay hal ku dhagyo ay ka midyihiin, Soomaalida dhabta ah iyo kuwa u adeega cadawga oo ay ugu horreeyaan State:yadii jirey. Waxay bilowday dagaal toos ah oo ay ku qaado cid kasta oo ka afkaar duwan iyo dawladaha xubnaha ka ah DFS. Waxay 2 maamul goboleed geysey dad ayaga taabacsan. Waxay hada wadda inay u magacawdo goobo kale qaar ayadada taabacsan..
Iyadoo ay sidaa tahay, ayaa waxaa xukunka Puntland la wareegey Siciid Cabdullaahi Deni. Wuxuu dhaxlay. Dhalinyaro la tashkiiliyey oo in badani la haystaan Kacaanka ka curtay Xamar. Shacab daaley oo garanwaayey waxa heshiiska lagula ahaa iyo waxa lagu diidanaa dawladda Xamar.
Halkii ay ka ahayd inuu dib u abuuro kalsoonidii shacabka, si mawjadaha federal diidka iyo hujuumkooda si wadajir ah looga hor tago. Ayuu wuxuu sii eryey shacabkii yaabanaa. Waxaa in badani aamintey inuu ku shaqeeyo afkaarta, una afduubmay koox yar oo la yiraahdo “ Aaran Jaan” oo ujeedkoodu yahay oo keli ah inay faa´iido shakhsi ka sameeyaan hantida umadda. Wuxuu magacaabay golihii wasiirada ee abid ugu badnaa oo weliba u badan rag NGO, bakhaareey iyo qaraabo madaxda Aaran Jaan. Tayadii dawladdu waxay gaartey halkii u hooseysey.
Waxaa hoos u dhacay ammaankii magaalooyinka waaweyn, kolka laga reebo Caasumadda. Waxaa loo dhaqmay si kaligii telisnimo ah. Si la mid ah dagaalkii federal diidku ay ku hayeen shacabka, iyadoo la caburiyey golihii wakiilada, la xirxiray odayaal iyo saraakiil ciidan.
Shacabku kolkaa garanwaaye kan u roon federal diidka Xamar iyo Kacaanka cusub ee Puntland.
Arinkaasi wuxuu keenay inay hoos u dhacdo kalsoonidii lagu qabey Puntland. waxaa Su´aal la geliyey faa´iidada habka federalka. Waxaa badatay taageeradii loo hayey dawladda Xamar iyadoo ay maalinba maalinta ka danbaysa sii daciifayso awooddii iyo hankii Puntland. Haddaan la bedelin hab dhaqanka xukuumadda Deni, waxaa aakhirka guuleysaneysa damaca federal diidka.
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaadii Puntlandes.com