Akhriso Xildhibaanada iyo Senatarada ka soo jeeda Puntland oo sheegay inay la xisaabtamayaan Wasiir Goodax
03 Feb 2020 (Puntlandes) Xildhibaannada iyo Senatarada ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, kana soo jeeda Puntland ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhowaan ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre ee ahaa in aanay dowladda Federaalku shahaado siin doonin ardayda Puntland oo aan gelin Imtixaankii mideysnaa ee dowladda.
Xildhibaanada iyo Senatarada ayaa sheegay inay la xisaabtamayaan Wasiir Goodax, waajibkooda dastuuriga ka gudan doonaan, waxaa ay sidoo kale tilmaameen inay arrintan kala hadli doonaan Madaxda dowladda Federaalka, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa duray mas’uuliyadda Wasiir Goodax, iyagoo sheegay in aanu qaadi karin xilkaas culus oo aanu isu keeni karin Soomaalida kala tagtay, waxaana ay ugu baaqeen Madaxda dowladda Federaalka inay soo farageliyaan.
Hoos ka akhriso war saxaafadeedka ka soo baxay Xildhibaanada ka soo jeeda Puntland